UK: BAARITAANKA COVID19 OO WELI SOCDA

UK ayaa baaritaan qoto-dheer ku wada qaabtii loola tacaalay, xanuunkii Covid19 oo dad aad u farabadani ku dhinteen.
Guddi baarlamaanku arintaan u saaray ayaa, beryahaanba su’aalo weydiinayey, maamulka dowladda, dhaqaatiir, rag xilal sare ka hayey dowladda xilligii xanuunku jiray, iyo shaqsiyaad kale oo xog’ogaal ah.
Horey ayaa booliska wadanku ugu helay xadgudubyo, masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay, ra’iisulwasaarihii hore ee Britian, Boris Johnson, iyo qaar kale.
Hase yeeshee dacwad ay gudbiyeen dadweynaha, gaar ahaan, qoysaskii dadku uga dhinteen xanuunkaas, oo saluugsan sida dowladu u maamushay, ayaa ka dhiidhiyey in sahal looga haro.
Dadka maantadan su’aalaha weeydiiyeen gudigu waxaa ka mid ah, Andy Burnham oo ah duqa magaada Manchester, wuxuuna sheegay in kulli go’aanada Covid19 ay ka imaanayeen, caasimada wadanka ee London.
Baaritaanu weli uu socdaa.
Heybad Media

You must be logged in to post a comment.