Advertisements
WAR-02/06/2022-Turkey- Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa amar ku bixiyey in la badalo sida dunidu iminka u qorto magaca wadankiisa, loona qoro sida taariikhiga ah ee dalkaasi magaciisa loo qoro ama loona qori jiray.
Arrintaan oo baarlamaanka Turkigu ansixiyey, ayaa hadda wixii ka dambeeya wuxuu noqonayaa qorista magaca wadanku, Turkiya, halkii uu ka ahaa, Turkey.
Tallabadaan ayuu ku sheegay in ay tahay mid lagu ilaalinayo, taariikhda faca weyn ee wadankaasi, dal iyo dadba.
Turkiya ayaa horey dunida oo dhan wada maamuli jiray xiligii taliskii Cismaaniyiinta oo ahaa talis ka soo jeeda dalka Turkiya.
Heybad Media.
Birmingham, UK
About Post Author
Heybad Media-TV/Radio/Web
Comercial, independent, digital media but community purpose based in Birmingham, West Midlands, United Kingdom.