WAR 23/06/2022 Khamiis: Verus-ka keena xanuunka dabeysha (Poliomyelitis) ayaa laga dhex helay dhuumaha qaada biyaha ee dalkan UK.
Ka dib markii la arkay in ay soo badanayaan, caruurta yar-yar ee xanuunku ku dhacayo, iyadoo horeyna looga cirib-tiray wadanka, ayaa baaritaan la sameeyey lagu ogaaday, in xanuunku uu soo noqonayo.
Polio oo qudheeda u kala baxda dhowr nooc, ayaa waxaa keena virus, dadkuna waxey isugu gudbiyaan, qufac iyo hindhisyo, iyo in qofku cuno ama cabbo, raashin ama dareere viruska sida.
Haddii aan la daweynin ayuu qofka ku keeni karaa naafo-nimo iyo geeri intaba.
Saraakiisha caafimaadka ee UK ayaa iminka ku dhawaaqay digniin qaran oo ay sheegeen in eey tahay in laga foojignaado, xaradar dheeraad ahna lala yimaado.
Amina Mussa Wehelie
Heybad Media
Birmingham, UK.