WAR-22/06/2022-Arbaco: Warbixin uu daabacay The Guardian ayaa lagu sheegay in sarkaal u hadlay Qaramada Midoobey uu sheegay, in abaaraha Soomaaliya ka jira wax looga qaban karo, gargaar aad iyo aad u ballaran oo misna aan lala raagin.
Wakiilka ayaa intaa ku daray in ay arkayaan caruur u geeriyooneysa dacdarro, gaajo iyo harraad dunida oo sidaa u eegeysa.
Fariin u u diray wakiilku dalalka G7, oo Axadda ku kulmaya Jarmalka ayuu sheegay Michael Dunford, oo agaasime goboleed uga ah Bariga Afrika heyadda cunnada adduunka ee WFP, in dowladaha laga rabo in ay si degdeg ah u bixiyaan gargaarka, gacantoodana quuraan, oo aneey wax sandareerto ah la soo istaagin, waabase hadeey rajo ka leeyihiin, in laga gaashaanto in Geeska Afrika oo dhami abaari diirato, ayuuna raaciyey.
Dunford ayaa sheegay, in ay u baahan yihiin lacag si degdeg ah abaarta lagula tacaalo, wuxuu is weeydiiyey: Miyaanba wax ka qaban karnaa abaarta Soomaaliya ku habsatay, oo maba ka gaarisiin karnaa?
Geeska Afrika ayaa waxaa isugu xigsaday, afar xilli oo roob la’aan ah, waxaana iminka mandiqadaas laga filayaa in ay ku baahdo abaar tii ugu darnayd uguna indho-xumo badneyd.
Sources: The Guardian.
Amina Mussa Wehelie
Heybad Media,
Birmingham, UK