WAR-22/06/2022-Arbaco-UK: Waxaa aad u kordhaya sicirka UK oo tagay meel aad u sareysa.
9.1% ayuu kor u kacay sicir-bararku taasoo ka dhigtay nolosha dadka caadiga ah, mid aad i adag.
Dowlada ayaa indha oo dhami wada eegayaan, iyaduna waxeey sheegtay in ay adeegsaneyso, wax kasta oo karaan keeda ah, oo ay wax kaga qaban karto.
Xafiiska xog-aruurinta ayaa sheegaya, in xaaladu ka sii xumaatay sideey ahayd laba bilood ka hor.
Qoysaska shaqeeya iyo kuwa aan shaqeyn, ayaa noloshoodu isu soo durugtay iminka, wax badana isma dhaamaan.
Walidiinta qaar ayaa laga soo warinayaa in iyagoo shaqeeya hadana aaneey awoodin in ay cunaan cunto toosan oo ay naftu ku tashan karto.
Amina Mussa Wehelie
Heybad Media
Birmingham, UK
About Post Author
Heybad Media-TV/Radio/Web
Comercial, independent, digital media but community purpose based in Birmingham, West Midlands, United Kingdom.