WAR-22/06/2022-Arbaco-UK: Iyadoo lagu jiro xilliga Imtixaanaadka ee ardayda dalkaan UK, ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey, imtixaanka maadada Kimistariga ee dugsiyada sare ‘GCSE’ oo iib ah.
Laba maalmood ka hor uun beey ahayd, markii ay soo baxeen warar sheegaya in imtixaanaadka A-levelka ee laga qaado caruurta collage-ka ka gudbeysa una gudbeeysa jaamacadaha, ay banaanka yimaadeen, ayna lacagi kaa xigto.
Baraha bulshada oo ilaa iyo shalatyo iyo xalayto si weyn loogu faafiyey, waxaa ka mid ah, Tiktik iyo Snapchat oo iyagu ah, kuwa ugu liita dhanka amniga iyo la socoshada arrimaha aan habooneyn ee lagu faafiyo, isla markaasna ah baraha ay caruurta iskuuleyda ahi iyo dhallinyaradu aad u adeegsadaan.
Guddiga Imtixaanaadka iyo wasaaradda Waxbarashada ee Biritan ayaa walaac ka muujiyey arrinkan, hase yeeshee waxeey ku goodiyeen in tallabo cad laga qaadi doono cidii lagu helo, lana baari doono qaabka uu banaanka ku soo baxay.
Amina Mussa Wehelie
Heybad Media
Berimingham, UK