(WAR) 21/05/2022-Sabti-UK-Wadankan boqortooyooyinka Midoobay ayaa waxaa soo gaaray xanuunka Monkey Box, oo ah nooc ka mid ah noocyada xanuunka bahda ‘BOX’.
Waaxda Caafimaadka iyo la socoshada cudurada faafa ee UK ayaa xaqiijineysa, in Monkey-Box ay tahay iminka in laga taxadaro, waxeyna sheegeen, in uu yahay xanuun laga qaado taabashada, u dhowaashada, la fal-galka, iyo cunista xawayaannada duur-joogta ah.
Xanuunkaan ayaa la walaalo ah xanuunada Chicken-Box (Bus-Bus) iyo Small-Box (Furuq) oo isaga laga cirib-tiray dunida sanadkii 1970-kii, ka dib markii si weyn lagula dagaalamay talaal iyo karaantiilba.
Iminka waxaa wararka sheegayaan, in xanuunkaan oo asal ahaantiisii hore ka yimid dalalka Galbeedka iyo bartamaha Afrika, oo soo gaaray qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo North Amerika.
Awstareliya ayaa iyadana laga helay xanuunkan ilaa iyo iminka hal qof, kaasoo ka tagay dhowaantaan UK.
AminaWehelie.Me