(WAR)13/05/2022-Dubai UAE-Waxaa goor dhow geeriyooday, madaxweynihii dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Khalifa Bin Zayed Al-Nahyan.
Sheekh Khalifa oo ahaa 73-jir, waxaa geeridiisa shaaca ka qaaday, madaxtooyada UAE, waxeeyna ku dhawaaqeen, 40 maalmood oo loo baroor-diiqayo geerida madaxweynaha, calanka wadankana hoos loo dajinayo, halka shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahayna la fasaxayo muddo saddex maalmood ah.
Sida uu qabo dastuurka dalkaasi, waxaa xilka madaxweynaha si ku meel gaar ah u sii qabanaya, Sheikh Maxammed Bin Rashid Al-Maktoum oo ah u taliyaha Dubai, tan iyo inta golaha federaalka ah ee dalkaasi, ku soo dooranayaan, madaxweyne cusub 30-maalmood gudahood.
Sources: Al-Arabiya; Khalij Times and other news outlets.
AminaWehelie.Me (SETV)
Birmingham, UK.