Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo amar cusub soo saaray:

0 0
Read Time:48 Second

24-saacadood Ka dib markii ay weerar gaadma ah ku qaadeen, kooxda Al-Shabaab hotel Xayaat oo ku yaal agagaarka km4 ee magaalada Muqdisho, ayaa weli rasaasi Ka dhex socotaa, halka ciidanka ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isku dayayaan in ay soo gebagebeeyaan heysashada hotelka.

Geerida dadka ayaa iminka lagu soo waramayaa in eey Ka badan tahay 20 qof, in kastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in 40 qof oo kale medkoodu weli dhex yaalo hoteelka, halka dhaawucuna uu gaarayo, 100 qof.

Warbaahinta gudaha ayaa ku soo warrameysa in agaasimaha NISA Mahad Salaad uu amar ku bixiyey in iminka ay ciidanku ka soo baxaan hoteelka si loo duqeeyo qeybta ay isku aruusadeen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, oo ku jira qeyb ka mid ah hoteelka.

Haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab ayaa kaxeystay dadkii hoteelka ku jiray qaarkood, oo qeyb gaar ah oo hoteelka ka mid ah kula jira, si ay naf-furasho uga dhigtaan.

Sources: Ilo kala duwan.

Heybad Media

About Post Author

Happy
Happy
100 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Qaraxyo lagu dhintay oo ka dhacay Muqdisho:

0 0
Read Time:29 Second

WAR-19/08/2022-Jimce-Muqdisho:

Qarax ayaa ka dhacay Muqdisho, caasimada Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan, in eey ku dhinteen ugu yaraan 15-qof.

Qaraxan ayaa dhacay, ka dib markii maleeshiyaadka kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen, Hotel Xayaat.

Cidanka dowlada Soomaaliya ayaa iyaguna gudaha u galay oo kula dhex dagaalamay hoteelka, shabaabka weerarka ku qaaday.

Dadka dhintay waxaa ku jira masuuliyiin dowladda ka tirsan, iyo haween.

Sources of Video: Haruun Macruuf.

Qaraxa Hotel Xayaat, Mogadishu.

About Post Author

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %