Fadhi-ku-dirir: HEES CUSUB
Waxaa qortay: Amina Muuse Weheliye
Kooris:
Dubad Shaaha soo daji,
Daangadana inoo keen,
Sheekada durdurinee….
1:
Horta waan ku dawaqee,
Maxaa leeysu dilayaa?
Yaa dulmiga inoo wada?
Yaase diinta baylahay?
Kumaa daqarka jeexay?
Keese wada danteenoo?
Aan ku daba dugaalnaa?
2:
War kuwani dugaagtii
Bahalkii dad qaadka ah
Masaskii wax dili jiray
Waa kuwo ka sii daran
Dadka iyo duunyada
Midna uma duxaane
Maxaad isugu daasheen?
3:
Warhooy kuwiina daganoow
Dalkiina waad ka timideen
Dibadina ma joogtaan
Fadhi-ku-dirir dan maahane
Ordoo dumarki aadoo
Guryihiina dalabtiyo
Ka ilaalsha deelqaaf.
4.
War bal eegga dunidaan
Iskudagantay ee hurri
Maxaa siyaasad doodeed
Idingaliyey diifteed
Waaydinka daleeshiyo
Dibadaha wareegee
Maad dantiina garataan?
5:
Alla doqonsanaayoo
Isla daaman weeynaa
haweenkaan ku daalay
sholongooyin daahsoon
ordoo diirimaadkii
siiya dabacsanaantii
lagu dooray jiray oday
6:
Dar kalena an raacshee
Caruurtiina diintiyo
Dariiqii ilaaheey
Dhaqankii dugsoonaa
Degananaanta soo bara
Daroogada ka celiyoo
Daruustana ka caawiya.
Masha Allah Abwaan aamina gabayga fadhi ku dirir waa mid aad u qiimo badan murti iyo mug weyn leh mahadsanid
Abdikarim M F Runtii waa xikmad!!!
OHhhhhhh………….
maansha al ish calaa goboy aamino shaqo wanaagsan halkaagaas ka sii wad